Saxilnews.com
war deg dega:-Xukuumadda oo Qandaraas Dhan 30 Milyan oo Dollar Ku Soo Qaadatay Dhaxal Wareejinta Buurta Gacan-libaax+ Xogo Kale oo Muhiim A
September 21, 2015 - Written by admin

Hargeysa (Saxilnews) Warar xog ogaal ah oo ay heshay isla mar ahaantaana ay muddooyinkii dambe baadhitaan iyo dabo-galba ku hayeen mareegaha wararka qaarkood

 ayaa sheegaya in xukuumadda Siilaanyo ay qaab dadban hore ugu iibisay buurta Gacanlibaax iyada oo lacag qadarkeeda lagu sheegay 30 Milyan oo dollar ay sannad ka hor kaga qaadatay wasiirka madaxtooyada dalka Imaaraadka carabta, iyada oo lacagta bedelkeeda uu ka codsaday in ay ku wareejiso buurta Gacanlibaax.
Xukuumadda Siilaanyo oo muddooyinkii dambe waday fulinta qorshahii ay ku dhaxal-wareejin lahayd buurta Gacan-libaax, ayaa u wakiilatay siddii ay arrintaas fulinteeda si weyn uga qeyb qaadan lahaayeen wasiirka deegaanka Marwo.Shukri X.Ismaaciil Baandare, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Md.Axmed Kayse oo magacaabistiisii loo sibir saarayo siddii uu uga shaqeyn lahaa dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax iyo sida oo kale odey dhaqameedyo kale oo ka soo jeeda deegaanka Koonfurta gobalka Saaxil.
wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in xukuumadda iyo ninka Carabka ah ay ka wada hadleen siddii odey dhaqameedyada ka soo jeeda deegaankaas ee xukuumadda kala shaqeynaaya dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax oo dhan 13 odey ay ugu tallo gashay in la siiyo lacag dhan 60,000 dollar odeygiiba.
Ilo-wareedyadu, waxa kale oo ay noo xaqiijiyeen in durba odeyada beesha degta buurta Gacan-libaax lagu sii masruufay lacag dhan 50,000 dollar, si ay uga dhigtaan shidaal iyo sida oo kale mustafayn ay dadka deegaankaas kaga soo dhaadhicinayaan siddii loo fulin lahaa qorshaha dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax, iyada oo dadka ilo wareedyadu noo xaqiijiyeenna ay ka mid yihiin Jiif Caaqil Food Adan Cayngal. Caaqil Xasan Haybe, Caaqil Ina Tarabi , Caaqi Aw Cabdilaahi Iyo Guddoomiyaha Guud Beesha Xariir Dhaka-buur iyo kooxo kale oo qab-qablayaad u ah oo ku sugan Hargeysa Iyo Goda-weyn, balse waxa wararku tibaaxayaan in qadarkaas lacagta ah ay jeebka ku shubteen oo aanay dhinacna u dhaafin ka dib markii ay weji gabax xooggan kala soo kulmeen dadkii deegaankaas ku noola oo ku goodiyey in ay dagaal ka xigaan dhaxal wareejinta buurta Gacan-libaax.
Ugu dambeyntii, waxa buurta Gacan-libaax lagu tilmaama in ay tahay meelaha ugu quruxda iyo bilicda san Somaliland, iyada oo aaga gaarka ah ee uu codsaday ninka Carabka ahina lagu sheego in ay tahay dhul ay ka buuxdo macdano fara badan oo loo saadaalinaayo in hunguri uu ka galay Carabka, waxaana ay sida oo kale dhibbaato xooggan ku tahay dadka xoolo dhaqatada ah ee degan deegaankaas oo xilliyada Jiilaalkii u soo doogsin geyn jiray halkaas balse hada uu doonayo in uu waageerto dhul aad u baaxad weyn oo balaciisu ka badan yahay 8Km oo isku wareeg ah balse ay dadku diideen, waxa se hada la sheegayaa in odeyada iyo xukuumaddu ay hada qorsheeyeen in ninka Carabka ah kaliya lagu wareejiyo dhul dhan 3Km oo isku wareeg ah.
berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News