Saxilnews.com
WAR DEG DEGA :Isbahaysiga Musharaxiinta Oo Maanta Kulan Qeddo Ah Ku Yeelanaya Magaaladda Hargaysa + Nuxurka Qodobada Oo Si Weyn Looga Dhur-sugayo
November 2, 2015 - Written by admin

Hargaysa:(OWN)- Isbahaysiga Musharaxiinta u tartamaysa Xisbiga KULMIYE,ayaa maanta Hotel Crown ee Magaaladda Hargaysa waxay kusoo bandhigayaan Cududooda,waxaana la filayaa in halkaa lagaga dhawaaqo Musharax kali ah oo ay iskugu Lugo duwanayaan,taageeeradoodana ay ku midaynayaan. Kulankan oo Qeddo-sharaf ah ayaa waxa lagu casuumay dad aad u tiro badan,waxaana laga cabsi qabaa suural-nimadda inay Xukuumadda is-hortaag ku samayso,iyadda oo Maalmihii ugu danbeeyay si weyn usii kala fogaanayeen dhinacyadda ku Loolamaya Musharax-nimadda Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE oo xiisaddiisu ay cirka isku shareertay. Ilaa hadda si cad looma oga Musharaxa laysku raaci doono,balse xogo hordhac ah oo ay helayso Shabakadda Wararka ee Oodweynenews,ayaa sheegayaa inay suural-tahay in si buuxda loo wada taageero Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah Musharaxiinta ay sida weyn isu hayaan Gudoomiyaha Xisbiga MD. Muuse Biixi Cabdi.

 

Maxamed ilkacase

office hargeisa

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News