Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:-Xisbiga WADDANI Oo Gabi Ahaanba Hakiyey Wada Shaqayntii Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somliland Ka Dhaxaysay+Arrimo Xasaasi Ah Oo Ay Ka Hadleen Soona Bandhigeen+Sababta
November 16, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews)Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa hadda waxay shaaca ka qaadeen inay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay xisbiga WADDANI iyo guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland,iyada oo wakhtigan lagu jiro wakhti xasaasi ah oo ay socoto tirinta codadkii doorashada madaxtooyada Somaliland.

Saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI oo ahaa masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan komishanka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in guddiga komishanku ay waxba ka qaban waayeen iskana dhago mareen cabashooyin ay xisbiga WADDANI u gudbiyeen guddiga doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen waraaqo foojari ah oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo loogu codeeyey xisbiga KULMIYE,iyaga oo carabka ku adkeeyey in ay gabi ahaanba hakiyeen wada shaqayntii guddiga iyo xisbiga WADDANI.

 

Goordhaw la soco muuqaalka warka

COMMENTS
Latest News