Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH:-XARUNTII BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO AY CIIDAMADA DAWLADU LA WAREEGEEN IYO GUDOOMIYE JAWAARI OO FARIIN KULUL DIRAY.
March 16, 2018 - Written by editor

Muqdisho(saxilnews):-Ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada dawlada soomaaliya ayaa goor dhawayd la wareegay Xarunta golaha shacabka ee soomaaliya.

Talaabada ay dawladu qaaday ayaa timid iyada oo la hadal hayo in fadhiga maalinta bari ah ee xildhibaanada golaha shacabku ay keeni doonaan mooshin ka dhan ah xukuumada iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sharci daro ku tilmaamay talaabada ay dawladu qaaday, waxaanu xildhibaanada ku war geliyey inay iskugu iman doonaan goob aanay haysan ciidamadu isla markaana ay ugu codeeyaan mooshinka ay wataan.

Waxa haatan muuqda khilaaf u dhaxeeya dawlada raysal

wasaare Xasan Cali Khayre iyo golaha shacabka soomaaliya, iyada oo maalmo ka horna uu fashilmay mooshin la doonayey in xilka lagaga qaado gudoomiyaha golahaasi Md Jawaari, kaas oo la sheegay inay dabada ka riixaysay dawladu.

Xildhibaan Jawaari ayaa xildhibaanada golaha shacabka ugu baaqay inay badbaadiyaan golahooda oo uu xusay inay weerar ku soo qaaday dawlada federaalka ah, waxaanu cadeeyey in ujeedada ka dambaysa weerarka goluhu ay tahay in la burburiyo golahaasi.

gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in amarka ay ciidanku kula wareegeen xarunta golaha uu ka yimid raysal wasaare Xasan Cali Khayre, waxaanu sheegay in wixii dhib ah ee yimaada lagala xisaabtami doono

 

 

COMMENTS
Latest News