Saxilnews.com
War Deg Deg Ah Wiil Dhalinyaro Ah Oo Magaalada Berbera Isku Gubay Iyo Waxyaabaha La Xidhiidhinayo Gubitaankiisa
January 12, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaa Caawo Abaaro 10:30 habeenimo dab isku qabtay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo yaasiin Caaqil Budhle wuxuuna wiilkaasi u adeegsaday dabka uu isku qabtay sida la sheegay gaas iyo kabriid wuxuuna isku gubay gaadhigii uu watay oo ahaa nooca loo yaqaano VITZ meel aan ka fogayn cuspitaalka berbera

Wiilka is gubay ayaa gaadhi kasoo booday isagoo ololaya sida ay sheegeen dad goob jog ahaa waxaanu u cararay dhanka cuspitaalka oo uu udhawaa dhakhaatiirta iyo dad goobta ka ag dhawaa ayaa kusoo yaacay iyagoo dabkaasina gacmahoodu ku bakhtiyey ka dib deg udhigay cuspitaalka berbera .

Wiilkan is gubay ayaa dabku ka gaadhay Qaarka sare ee jidhka halka uu shuf belay gaadhi uu watay waxaana ilaa hada lagula tacaalayaa xaaladiisa caafimaad cuspitaalka magaalada Berbera

wiilkan is gubay ayey walaalo ahaayeen Barre Caaqil Budhle Afar Maalmood ka hor geeriyooday kadib markii subaxnimadii isniintii Maydkiisa laga soo saaray Gaadhii Vitz ah oo meel gashay markuunka hore ee geeriyooday ayaa arinkiisu maalmihii ugu danbeeyeyba ku jiray saldhiga dhexe ee magaalada Berbera Gaar ahaana laanta nabadgalyada Wadooyinka Ee Gobolka Saaxil oo gacanta ku haysay kiiskaasi balse ilaa hadana wax natiijo ah aanay kasoo bixin taasi ay keentay inuu dab isku qabto

 

COMMENTS
Latest News