Saxilnews.com
War Deg Deg Ah Wariye Caan Ah Oo Ka Mid Noqday Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Somaliya U Matalaya Somaliland,
January 8, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Muqdisho(Saxilnews)-Doorashadii xildhibaanada xubnaha aqalka sare ee Somaliya ayaa wali si rasmi ah uga socota Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka somaliya kuwaasi oo matalaaya Beelaha kala duwan ee dega Somaliland,

Waxa ka mid noqday Xildhibaanada Maanta la doortey mid ka mid ah Wariyayaasha Gayiga Soomaalida caanka ka ah oo laggu magacaabo Muuna Cumar Xassan una sharaxnayd kuraastii Gobolka Togdheer ee xubnaha aqalka sare ee Somaliya waxaanay heshay Codad dhan 32 cod,

Muuna  Cumar ayaa haatan ka hawl galaysay Tvga Qaranka Soomaliyeed iyada oo ahayd soo saaraha Barnaamika Fanka iyo Suugaanta ee te;efishankaasi Dawlada.

 

COMMENTS
Latest News