Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH;-SIYAASI KA MID SIYAASIYIINTA CAANKA AH EE SOMALILAND OO GEERIYOODEY.
September 18, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
London(Saxilnews) Inaalilaahu wa Inaa Ilayhu Raajicuun.Rabi ha u naxariistee waxa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ku geeriyoodey Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland kana mid ahaa Xukumadii Udub kaasi oo lagu magacaabo Cismaan C/laahi Cigaal Cismaan Hindi.

hindi

Rabi ha u Naxariistee Marxuumka ayaa waxa uu ka mid ahaa Xukumadii Udub isaga hore u ahaa Gudoomiyihii Olalaha ee Xisbiga talada Hayay Dawladii Daahir Rayaale Kaahin.

Dhanka kale Marxuum Siyaasi Cismaan ayaa ahaa Mulkiilaha hudheelka Caanka ah ee Crown Huteel oo ku yaala Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Marxuumka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey xaalad caafimaad u yaala dhakhtar ku yaala Dalka Sweden halkaasi oo lagu lacaalayay Xaaladiisa Caafimaad. waxaanu haatan ku geeriyooday Magaalada London ee Wadan UK.

COMMENTS
Latest News