Saxilnews.com
War Deg-deg ah Musharaxa Madaxwayne Kuxigeen ee Xisbiga Ucid oo Cabdirshiid Xasan Mataan oo Iscasilay Hada+ Dhabar Adayga Jamaal Cali Xusseen iyo Faysal Cali Waraabe oo Olole Kagajira Burco
November 23, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_Wararka Hada Soogadhaya xafiiska saxilnews.com ayaa Xaqiijiyay in uu Musharaxii Madxwayne Kuxigeenn ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xassan Mataan uu Hada Kadhwaaqay in uu Iska Casilayo Xilka Musharaxnimo, Culays iyo Qalaanqal uu Xisbiga Kubilaabay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Dartii , Kaas oo Doorbiday in uu Xisbiga Ucid Ka iibiyo ama ku Wareejiyo Siyaasiinta Hankaleh ee Dhawaanta iska Casilay Xukuumada Siilaanyo Kuwaas oo Dhaqaale Buuran Raba in ay kula Wareegaan Xisbiga Ucid.

Wararku Waxa ay Intaas ku darayaan in uu Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen uu  kadhabar Adaygay in uu Iscasilo , Waan Udhabar Adaygayaa oo Xisbiga Lexejeclo ayaa Nagahaysa Aduuna wuunaga Galay ayuu Yidhi Jamaal Cali Xuseen ,

Iscasilaad Abdirashiid Xassan Mataan ayaa Kusoo Beegantay Kadib Markii ay Dhawaan Maxkamada Sare U Gudbiyeen Dacwad kadhan ah Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, taas oo aanay ilaa Hada Dhagaysigeeda aanay Maxkamadu Mudaynin Balse Lafilayo in Dhawaan ay Maxkamadu Bilawdo Dhagaysiga Dacwada Xisbiga Ucid.

Dhanka kalena Faysal Cali Waraabe ayaa Olole uu Xisbiga Ucid Ku iibgaynayo  Markale kawada Magaalada Burco Halkaas oo Maalmihii u Danbeeyay Kusugnaa,

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

 

 

MAXAMED ILKACASE

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

 

COMMENTS
Latest News