Saxilnews.com
WAR DEG-DEG AH: MUDAHARAADO LAGAGA SOO HORJEEDO XADHIGA SULDAAN CALI OO SAAKA KA DHACAY XAAFADDA SH. MUBAARIG IYO DAAMI IYO DADWEYNE TAAYIRO KU GUBAY WADOOYINKA+HALKU DHIGYO XUKUUMADA LOOGA DALBANAAYO XORIYADIISA
July 29, 2016 - Written by cali abdilaahi

Hargeysa(Saxilnew.com)-Dadweyne ka gadooday xadhiggaa Xukuumadda Somaliland u geysatay Suldaan Cali Saleebaan ayaa saaka Mudaharaad balaadhan ka sameeyey Xaafada Sh. Mubaarig oo ka tirsan Caasimaada Hargeysa degmada Gacan-libaax.

FB_IMG_1469785740040

Dadweynaha ayaa Taayiro ku gubay laba waddo oo Laami ah oo dhex maraa, Xaafadaas kuwaasoo midna Xaafadda Idaacadda u baxdo tan kalena suuqa weyn ee Hargeysa.
Dadka Mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey halku dhigyo ay ku dalbanayaan in Xukuumaddu Xoriyadiisa usoo celisi Suldaan Cali Saleebaan oo maalintii shalay Ciidamadda Boolisku Xabsi u taxaabeen, kaasoo afhayeenka ciidamadda Boolisku xalay sheegay inuu Danbi Faraha kula jiray, iska caabina kala horyimi Ciidamada amaanka xilligii la qabanaayey, halka warar kalena sheegayaan in suldaanka Ciidamaddu dhaawcyo u geysteen. suldaan Cali Saleebaan waxa kamid yahay waxgaraadka gobolka Saaxil si weyn looga qadariyo, kaasoo waqti xaadirkana ku jiray guddida qaban qaabada Shirka Beesha Saaxil dhowaan ku qabsan doonaan Deegaanka Baxarasaafka.
Geesta kale Mudaharaadka ayaa hadda kusii fiday xaafadda kaloo ay kamid yihin Kililka Daami iyo Cabbaaye.

 

 

COMMENTS
Latest News