Saxilnews.com
War Deg Deg Ah Mid Kamid Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Geeriyooday Isagoo shaqada Kujira
July 23, 2017 - Written by admin

   

Berbera (Saxilnews.com)-Xalay Xili Danbe Ayaa Nin kamida Shaqalaha Muruqmaalka Stevedorns ka Ee Dekada Berbera Uu Ku Dhintay Markab Guudkii Kadib Markii Koonteenar Uu Kusoo, Go,ay,

 

Marxuumkan Dhintay Alle ha U naxariisto E Waxaa Magaciisu Ahaa Daa,uud

, Mudooyinkii Udanbeeyay Waxaa Taaagnaa Muran U Dhxeeyay Shaqaalaha Muruqmaalka Ah iyo Shirkada Dp World oo Ku Salaysnaa Xaqa iyo Xuquuqda Shaqaalahaasi marka Dhibaato Kasoo Gaadha Maraakiibta Aay Ka Shaqaynayaa, Iyadoo Mushkiladaa Is Afgaran Waagu Sababatay In 48 Saacadood In Kabadan Aay Istaagto Shaqadii Dekada Ka Socotay ,

muruqmaalka dekadaMuruqmaalka Ayaan Ku Dhawaaqay Shaqo Joojin, Murankna Oo Sii Jiitamay Ayaa 20 Bishan Julay 2017 Waxaa Magaalada Hargaysa Kulan Ku Dhexmaray Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland, Maamulka sare
Ee Shirkada Dp Wolrld iyo Madaxda Muruqmaalaka Dekada Berbera ,

Sda Wararka Lagu Helayna waxay Sheegeen in Dawlada Somaliland Aay Balan Qaaday Wixii Dhibaato iyo Dhimashaba Keenta in Aay Masuul ka Yihiin Dawlad Ahaan, Waxaana Dhinacyada Arinkanai Khuseeyaa kala saxeexdeen Qoraal,

Shilkan Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyay Intii Heshiiska Cusub Lakala saxeeday iyadoo Horena Aay U Taagnayd Illa lix Qof Oo Dhaawacyo Culis Kasoo Gaadheen Shaqada Gudaheeda, Shaqaalaha Muruqmaalka iyo Madxdooda Ayaa Saaka U Dhegtaagaya waxaa Kasoo Baxa Shilkan Dhacay iyo Sida Aay U Oofiyaan  Xukuumada Somaliland Heshiiska Wali Qoyan Ee Aay La Galeen Muruqmaalka Dekada Berbera oo Lixdii Bilood Ee U danbeeyay ka cabanayay Shirkada Dp World

MAQAAL

More Maqaalo

COMMENTS
Latest News