Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub.
July 21, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)- Deg Deg Ah:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 uu ku magacaabay laba degmo.

siilanyo

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degmooyinka Dacarta iyo Ceegaag loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex
In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
Latest News