Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH MADAXWAYNE MUUSE BIIXI OO MAGACAABAY XIL CUSUB + CIDA LOO MAGACABAY IYO XILKA LA MAGACAABAY
December 17, 2017 - Written by editor

Hargaysa:-(saxilnews.com) Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabay Xil Cusub + Cida Loo Magacabay Iyo Xilka La Magacaabay

Xafiiska Madaxweynaha

Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

 Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
Latest News