Saxilnews.com
War Deg Deg Ah :- Laba Ruux Oo Hadda Baddu Ku Liqday Magaaladda Bebera + Magacyadooda
May 6, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Berbera-(Saxilnews)-Wararka ka imanaya degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegaya in shaley iyo maanta ay badda Berbera ay ku geeriyoodeen laba qof,halka qofkalena xaaladdiisa lagula tacaalayo gudaha magaalada Berbera,kaddib markii ay shaley baddu liqdey,balse nasiib wanaag laga soo bad-baadiyey.

Inta la ogyahay laba ruux oo midi ruux haweeney tahay ayaa shaley iyo maanta ku kala geeriyoodey badda Magaalada Berbera.

 

Wararka ayaa sheegaya in maanta uu gelinkii hore wiil dhallinyaro ah oo ku dabbaalaney badda Berbera ay baddu liqdey,isla markaana uu ku geeriyoodey.

Dhinaca kale maalinimadii shaley ayaa iyana waxaa badda ku dhimatey ruux dumar ah oo sida la sheegey dhallinyaro ahayd,waxaana liqdey badda,balse waxaa laga soo bad-badaadiyey wiil kale oo dhallinyaro ah.

Magaalada Xeebeedka Berbera ayaa waxaa ku sii qul-qulaya dhallinyaro badan oo soo qaadanaya kaadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland,oo gobolka Saaxil immika si habsami leh uga socda.

 Geesta kale mas’uliyiinta gobolkaasi ayaa ku hawlan sidii ay dhallinyarada uga xakameyn lahaayeen oo ay uga ilaalin lahaayeen in ay ku dabbaashaan badda Berbera.

COMMENTS
Latest News