Saxilnews.com
War Deg Deg Ah Guddoomiye Cirro Iyo Wafti Culus Oo Xildhibaano Uu Hoggaaminayo Oo Saaka Boorama U Jarmaaday
September 9, 2015 - Written by admin
Boorama (Saxilnews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa saaka u anba baxay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Waftigan ayaa ka kooban Xildhibaano Golaha Wakiilada oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gudida Shuruucda, Garsoorka iyo xuquulal isaanka Mudane Xildh Siciid Cilmi Rooble, Guddoomiyaha Gudida khayraadka dabiciga ah Mudane Xildh Siciid Warsame Ismaciil (Gaanne), Guddoomiyaha Gudida joogtada iyo anshaxmarinta Xildh Ibraahim Mahdi Buubaa, Guddoomiyaha Guddida Arimaha Gudaha iyo difaaca Xildh Ibraahim Jamac Cali (Rayte), Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arimaha Bulshada, Xildh Cabdiramaan Maxamed Jamac (Awxoog), xildhibaano kale oo ay ka mid yihiin Xildh Cali Sheekh Ibraahim (Aareye), Xildh Weli Axmed Xaawa, sidoo kale waxaa waftigaas qayb Mudane Qaasin Sheekh Ibraahim (Tubeec).
Ujeeda safarkaas ayaa daaran ka qayb galka Xafladda Qalin jabinta  ee Magaalada Boorama
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News