Saxilnews.com
War Deg Deg Ah: Guddoomiye Cirro Iyo Baashe Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Ku Dhexmarayo Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xaalada Oo Kacsan
September 12, 2015 - Written by admin

War Deg Deg Ah: Guddoomiye Cirro Iyo Baashe Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Ku Dhexmarayo Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xaalada Oo Kacsan

 

Hargeysa (Saxilnews)- Wararka hadda naga soo gaadhaya xarunta golaha wakiilada somaliland ayaa sheegaya inuu dagaala gacan ka haddal ahi dhexmarayo hadda guddoomiyahya golaha wakiilada somaliland C/raxmaan Cirro iyo guddoomiye ku-xigeenkiisa baashe Maxameed Faarax.
 Dagaalkan gacana ka haddal ka ah ayaa waxay labada masuul isku dhaafsadeen feedh iyo laad wuxuuna daaranyahay mooshinkii wareejinta haamaha shidaalka berbera oo ay mar labadaad soo dhigeen xildhibaanada daaqada madaxtooyada laga naas-nuujiyo, kuwaas oo uu horkacayey baashe maxamed faarax.
Dhanka kale wariyayaasha saxilnews.com ee ku sugan xarunta golaha wakiilada ayaa sheegaya in ay labada masuul isku miiseen feedh iyo laad, iyadoo lakala qabtay hadda, balse xaalada golaha ayaa kacsan waxaan loo kala baxay mucaarid iyo muxaafid .
isku soo wada xooriyoo majiro wax khasaare ah oo soo kala gaadha labada masuul
kala soco wixii ware ka soo kordhan saxilnews

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News