Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH: GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MUDDO KORDHIN USAMAYSAY XUKUUMADA,
March 6, 2017 - Written by Siciid dalmar

Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka muddo kordhin usameeyay xukuumada Somaliland iyo Golayaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka.

Muddo kordhinta saaka ay sameeyeen Golaha Guurtida Somaliland ayaa kala ah sidan :-

Muddo kordhinta xukuumada ayaa ka bilaabmaysa 28 April 2017 ilaa 13 December 2017 oo ah sanadkan aynu kujiro gudihiisa.

Baarlamaanka ( Golaha guurtida iyo Wakiilada) waxa ay mudo kordhintiisu kabilaabmaysaa 28 April 2017 ilaa 2019 bisha April

Golayaasha deegaanka 28 bisha todobaad 2017 ilaa 28 bisha todobaad sanadka 2019

Intaas ka dib gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo jeediyay in cod la galiyo, waxaana goobta fadhiyay 75 mudane waxaana u codeeyay 74 mudane,

hal xildhibaan ayaa diiday gudoomiyuhuna muu codeynin
Hore ayaa waxay xisbiyada Somaliland ugu heshiiyeen in xukuumada Somaliland loo kordhiyo muddo dhan lix bilood halka imika guurtidu ku dareen laba bilood taas oo noqonaysa mudada ay kordhiyeen sideed Bilood.

Muddo kordhintan ay saaka sameeyeen golaha Guurtida ayaa imanaysa xili madaxwayne Siilaanyo dalka dibada kaga maqanyahay, waana muddo kordhintii labaad ee loo sameeyo Xukuumada Siilaanyo.

Warkan oo faahfaasan Kala Soco Saxilnews.com Haddii ALLA Yidhaa Goordhaw.

COMMENTS
Latest News