Saxilnews.com
War Deg Deg Ah: fanaaninta Xiddigaha Geeska Oo Saaka La Hor Keenay Maxkamada Hargeysa Iyagoo Gacmaha Iskaga Katiinadaysan
September 29, 2015 - Written by admin

War Deg Deg Ah: Xiddigaha Geeska Oo Saaka La Hor Keenay Maxkamada Hargeysa Iyagoo Gacmaha Iskaga Katiinadaysan

Hargeysa-(saxilnews)- Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa saaka markii ugu horreysay ka soo hor muuqday  maxkamadda sare ee magaalada Hargeysa iyaga oo gacmaha ka katiinadeysan.

Afarta fannaan oo kala ah Nimcaan Hillaac, Xamda Queen, Maxamed Axmed Baakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi ayaa booliiska Somaliland ay xidheen maanlintii Axaddii iyagoo markaasi hooballadu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.
Fannaaniintan ayaa maalmihii u danbeeyey ku xidhnaa xabsiga dhaxe magaalada Hargeysa.
Wasiirka ku xigeenka amniga arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre ayaa  sheegay in fannaaniintani ku xadgubeen xeerka Somaliland waxaana uu yidhi “Kooxda Xidiguhu Waxay Ku Xadgudbeen Xeerka Somaliland” a.
kadib markii saaka la keenay maxkamada ayaa garsoorku ku war galiyeen bilayka inaanay si sharciya usoo maarin dacwadani una soo maraan si sharciya
 fannaaniintan ayaa waxaa ka qayliyey fannaaniin badan oo soomaaliyeed iyo shacab badan oo Soomaaliyeed.
Baraha bulshada ayaa aad looga doodayey xadhiga Xiddigaha Geeska, iyaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Guddoomiyaha kooxda Xiddagaha geeska Abwaan dhuxul Laabsaalax ayaa ku tilmaamay xadhiga fannaaniintan mid sharci darro ah.
maxamed xasan
berbera2002@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News