Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:- Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex Maray Xildhibaan Saleebaan Cali Koore Iyo Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax Iyo Ciidamo Hadda La Wareegay Xaruntii Baarlamaanka Somaliland
August 8, 2017 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya xarunta Baarlamaanka Somaliland soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in goordhawayd dagaal gacan ka hadal ahi xarunta golaha ku dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo kamid ah mudanayaasha Wakiilada Somaliland iyo gudoomiyaha sharcinimadiisa lagu muransan yahay ee golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana dagaalkan dhex maray xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax uu ka dhashay sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen goob joogayaal ah oo goobta ku sugnaa muran ka dhashay jagada gudoomiyaha cusub ee sharcinimadiisa lagu muransan yahay ee golaha Wakiilada Somaliland ee loo doortay Baashe Maxamed Faarax,waxaana hadalo xanaf leh ay labadan xildhibaan isku waydaarsadeen golaha dhexdiisa kaas oo markii danbe sababay inay gacanta iskula tagaan xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Baashe Maxamed Faarax.

Waxaana labadan xildhibaan dirqi ku kala qabtay sida xoguhu Ramaasnews u xaqiijiyeen xildhibaanadii iyo dadkii goob jooga ahaa.

Sidoo kalena xaruntii Baarlamaanka Somaliland ayaa waxa hadda la wareegay ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da iyo ciidamo Milateri ah,waxaana ciidamadan ay diidayaan in gudaha loo galo xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kalena xogahana Ramaasnews hadda soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ciidamadu ay xidheen xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ah xildhibaanka uu dagaalku dhex maray Baashe Maxamed Faarax.

Dhinaca kale xogaha ayaa waxay noo sheegeen in Baashe Maxamed Faarax uu qasriga Madaxtooyada Somaliland ugu yeedhay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,isaga oo Baashena socod lug ah ku galay Madaxtooyada Somaliland.

Xaruntii baarlamaanka Somaliland ayaa wakhti xaadirkan gashay xaalad kale,waxaana xalaadaasi ay ka dhalatay codayntii dorraad ka dhacay golaha ee gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada loogu doortay Baashe Maxamed Faarax,balse sharcinimadiisa lagu muransan yahay ilaa haddana lama garanayo halka uu saldhigan doono.

COMMENTS
Latest News