Saxilnews.com
War Deg-deg ah : Ciidanka Amaanka Gobalka Togdheer Oo Xabsiga u Taxabay Wariye Axmed Sakaaro
April 5, 2015 - Written by admin

Ciidanka Amaanka Gobalka Togdheer ayaa Xabsiga Dhexe u Taxabay Wariye Axmed Muuse Sakaaro ah Oo ka Mid ah Wariyasha ka Howl-Gala Magalada Burco,

Ciidanka Booliska Togdheer ayaa Xabsiga u Taxabay Wariye Axmed Sakaaro isagoo Gudanaya Wajibadkisii Shaqo isla Markasna Xafiiska Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Lagu Soo Dhawaynayay Wafti Uu Hogaminayay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye,

Ilaa imika ma Cada Sababta Dhabta ah Ee Keentay Xadhiga ay Ciidanka Booliska Togdheer ay u Gaysteen Wariye Axmed Muuse Sakaaro ah Oo Mulkiilaha Shabakada Rakaadnews,

Ugu Danbayntii Waxa Mudoyinkii u Danbeyayba Soo Badanayay Xadhiga ay Xukumada Silanyo u Gaysnaaysay Wariyasha Madaxa Banaan Ee ka Howl-Gala Gudaha Somaliland,

 

Burco // Somaliland

COMMENTS
Latest News