Saxilnews.com
War Deg Deg Ah:-Badhasaab Ramaax Oo Si Badheedha Xisbiga WADDANI Uga Hor Istaagay In Huteelada Burco Ku Qabsadaan Xaflad Ay U Sameynayeen Garabkii Aqlabiyadda Xisbiga UCID Ee Togdheer
January 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
 

Hargeysa(Saxilnews)-Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si cad isu hor-istaagay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI uu saaka hotel Kaafi ee magaalada Burco ugu sameynaayey garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID ee gobalka Togdheer oo halkaasi kaga dhawaaqayey in ay ku soo biiraan Xisbigaasi.

Ma jiraan ilaa hada wax warar ah oo faah-faahsan balse sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI ee gobalka Togdheer iyo weliba madaxda kala duwan ee hoggaaminaysay garabkii aqlabiyadda UCID, ayaa cadeeyey in badhasaabka gobalka Togdheer uu gebi ahaan ba warqad uu ku hor istaagayo xafladaha Xisbigaasi gaar ahaan kuwa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID uu u gudbiyey hotelada ku yaalada magaalada Burco, waxaana uu ku amray in aanay hoteeladooda u fasaxi karin in Xisbiga WADDANI, gaar ahaan garabka ku soo biiraaya ee aqlabiyaddii UCID aanay wax xaflado ah ku qabsan karin gobalkaasi.

Dhanka kale, badhasaabka Togdheer Md.Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax), ayaa guud ahaan is-goysyada magaalada Burco dhigay ciidamo tiro badan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, ku waasi oo ilaalinaaya isla markaana hor istaagaya taageerayaasha kala duwan ee saaka iskaga soo kala baxaaya dhammaan xaafadaha magaaladdaasi, si ay cududooda taageero ugu muujiyaan Xisbiga WADDANI.

Ilaa hada lama garanayo sababta rasmiga ah ee uu badhasaabka gobalkaasi uu u hor istaagay qabashada xafladahaasi balse waxa ay ilo wareedyadu tibaaxeen in guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu badhasaabka ku soo amray in la joojiyo dhaqdhaaqa ay sameynayaan madaxda iyo siyaasiyiinta garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID oo ay hoggaaminayaan madax ay isku hayb yihiin Ramaax.

COMMENTS
Latest News