Saxilnews.com
War Deg Deg Ah 2 Qof Oo Lagu Dilay Degmada Sheekh Iyo Afar Kale Oo Lagu Dhaawacay ”
July 16, 2016 - Written by admin

Sheekh (Saxilnews.com)-Labo Qof ayaa Lagu Dilay Degmada Sheekh Gobolka Saaxil Afar Kalena waa Lagu dhaawacay kadib markii nin maskaxda ka xanuusanayaa oo labadaasi qof oo masaajid horfadhiya kaga takhalusay waran (Jigle) uu gacanta ku sitay .

waxaa uu sidoo kalena dhaawacay afar qof oo kale oo labo haween ah ku jiraan dadkaasi oo labo qof uu dhaawacoodku aad uculus yahay ayaa lagu dabiibay cuspitaalada degmada sheekh iyo Magaalada Burco ee gobolka Togdheer

ninkani gacan ku dhiiglaha ah ayaa lagu magacaabo Cabdilaahi Cali Dhaqato

Labada Marxuum ee Geeriyooday ayaa lagu Magacaabi Jiray 1-Maxamuud Maxamed Cawil (Ina Cawil Dhag Jar)2-Maxamuud Ahmed Jaamac

ilaa ciidamada degmada sheekh iyo kuwo ka tagay magaalo madaxda gobolka ee berbera ayaa ku daba jira gacan ku dhiigle Ina Cali Dhaqato oo kasoo jeeda deegaanka degmada sheekh kadibna baxsaday markii gaystay dhaawac iyo dhimasho iyo khasaare kale oo baaxad leh kala soco wixii warar ah shebekeda www.saxilnews.com

COMMENTS
Latest News