Saxilnews.com
WAR DAG DAG AH WARIYE MAXAMED SOOFADHIISTE OO XABSIGA LAGA SIIDAAYAY OO UMAHAD NAQAY CIDKASTA OO KA QEYB QAADATAY INUU XORIYADIISA DIB UHELO
September 26, 2015 - Written by admin

 

 

 

WARIYE MAXAMED SOOFADHIISTE OO XABSIGA LAGA SIIDAAYAY OO UMAHAD NAQAY CIDKASTA OO KA QEYB QAADATAY INUU XORIYADIISA DIB UHELO WAXAANU YIDHI SIDA TAN

 

 

ALXAMDULILAAH CALAA SALAAMA WAXAN AAD UGU FARAXSANAHAY IN AAN XORIYADAYDII DIB UHELAY KADIB LABA MAALMOOD OO AAN SI XAQDARO AH UGU XIDHNAA SALDHIGA DHEXE EE BERBERA WAXANA XADHIGAYGA KA DANBEEYAY OO AMARAY LABADA WASIIR KUXIGEEN EE WARSHADAHA IYO XANAANADA XOOLAHA CALI DHEGOOLE IYO CALI GADHEER OO KADAMQADAY WARKII AAN KA BAAHIYAY MAALINTII CIIDA EE REER BERBERA AY KU FOORYEEN KUNA ORIYEEN LABADAAS WASIIR KADIB MARKII AY DAMACEEN INAY SALAADA CIIDA KAGA DHEX OLOLEEYAAN IIBINTA AMA WAREEJINTA HAAMAHA KEYDKA SHIIDAALKA BERBERA OO REER BERBERA IYO GUUD AHAAN SHACABKA REER SOMALILAND KASOO HORJEEDAAN IN DAD GAARA KOOTO LOOGU XIDHO.
WAXA AAN UMAHAD CELIYNAYAAN CIDKASTA OO KA QEYB QAADATAY INAAN DIB UHELO RIYADAYDA SIDA SUXUFIYIINTA GOBOLADA DALKA KA HAWLAGA OO DHAN LABADA URUR SAXAAFADEED EE SECJA IYO GUUD AHAAN SHACABKA KALA DUWAN EE XADHIGAYGA KA DAMQADAY MADAXADA GOBOLKA SAAXILNA WAXA AAN MAHAD NAQA KOOWAAD SIINAYAA GUDOOMIYE KUXIGEENKA GOBOLKA SAAXIL XAAMUD XUSEEN CABDILLAHI OO SI MUGLE SOPODAYNTAYDA UGA QEYB QAATAY IYO SIDOO KALE CAAQIL XASAN SHAQALE MAXAMUD OO ISAGUNA AAN FADHIISAN ILAA MUDADII KOOBNEYD EE AAN XIDHNAA WAXASE IYAGANA AANAN MARNABA ILAAWAYN BAHDA SAXAAFADA EE GOBOLADA DALKA OO DHAN OO AAD UGA HADLAY XADHIGAYGA KANA HADLAY WAXAN LEEYAHAY WAA MAHAD SAN TIHIIN SXBAYAAL WAAJIB IDIN SAARAA AYAAD QABSATEEN UGU DANBEYNTII WAXA AAN UMAHAD NAQAYAA SHAASHADAHA WARARKA TABIYA EE AFSOMALIGA KU HADLA IYO IDAACADA BBCDA LAANTEEDA AFSOMALIGA OO DHAMAAN WARKAYGA BAAHIYAY 

 WAXA KALOO AAN UMAHAD NAQAYAA XILDHIBAAN MAXAMED CALI XAAJI AXMED(MAXAMED CALI DHEERE) OO KA QEYB QAATAY SIDII XORIYADAYDA AAN UHELI LAHAA

COMMENTS
Latest News