Saxilnews.com
War-Culus! Garabkii Kulmiye Jabay oo uu Hogaanimaya Ex Wasiir Xirsi oo Maanta U Baxay Magaalada Burco Halkaas oo ay Wadahadalkii ugu Horeeyay Lagayaan Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
November 23, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_ warar  Hada  Soogaadhay XAFIISKA SAXILNEWS.com Ayaa Tibaaxaysa in  ay Maanta   Magaalada Hargeisa Ka Ambabaxayaan  Garabkii Wasiirada U Badnaa  ee Dhawaanta Kajabay Xukuumada  Siilaanyo Kuwaas  oo Kusiijeeda Magaalada Burco  ee Caasimada Gobolka Todheer-    Xoguhu Waxa  ay Intaas Kudarayaan  in    ay Halkaas   kulabalansanyiin Gudoomiyaha  Xisbiga  Ucid  Eng Faysal Cali Waraabe   oo Halkaas  Kusugnaa Maalmahan,  Waxana Lafilayaa in ay  Kulankii  ugu Horeyay  ee Dhexmara Kooxda  Doonaysa  in ay   Iibsato Xisbiga  Ucid    iyo Faysal   Cali Waraabe  Tan iyo Intii Xisbul Xaakinka Kulmiye  kala Jabay.

Wararka  Qaar  ayaa  iyana  Sheegay in uu Kulanka  uu   kaqayb Gali Doono  Mujaahid  Ali Guray oo   Door Waafiya Kuleh  Suuqgaynta  iyo Xaraasha Xisbiga Ucid,  Lama  Oga in ay Heshiin Doonan Balse Faysal Cali Waraabe Ayay  Xogu Tilmaameen  uu Wato Laba Shuruudood   oo     aad   Culus   kuwaas    oo ay Ila Wareedyadu Kutilmaameen  in  ay tanhore  Tahay    in  uu Faysal    haysto Mansabkiisa Gudoomiyenimo    iyo  In uu Isaga  Keeno Musharax Madaxwayne Kuxigeen oo  uu Heshiis  Lasoogay, Labadan Shuruudood  ayay  aad U Adkaan Doontaa  Sida  ay  isugu Afgartaan   Labada  Dhinac  Kooxda  uu Gadhwadeenka  Kayahay  Ex Wasiir Xirsi  Waxa Kago,an   in  Faysal   Kuus-kiisa Loolaabo Kadina   Xayndaabka Xisbiga Ucid Laga Saaro, iyaga oo  Wada  Qorshe  ah in  Musharaxa Madaxwayne  ee Xisbigu Noqdo Gudoomiyaha Xisbigana.

Arintan  ayaaa Garabka  Doonayay in ay lawareegaan Xisbiga    aad  ugu Wayn Maadaama  ay Wax badan usoo joogeen  Laba Kaclaynta  iyo Isbadbadalka Faysal Cali Waraabe, waxana  ay Danaynayaa in uu Faysal Xisbiga Ka iibiyo Kadiba  uu  Daaqada Kabaxo  oo aanu Wax Awood Siyaasi ah Kudhex Yeelan Xisbiga Ucid.

Arintan ayaa kusoo Beegmaysa Wakhti    uu Musharax Jamaal Cali Xuseen    Wali Kudagaalamayo   Hanashada Xisbiga Ucid  Halka Kuxigeenkiisina  Cabdirashiix Xassan Mataan uu Maanta Kudhawaaqay in uu Iscasilayo  Taas oo Durba Muujinaysa Sida  uu Faysal Cali Waraabe Ugu Guulayste   in uu  kala Furfuro  Musharaxiintii hore  ee  Xisbigu Lahaa

Sikastaba Ha  ahaato  ee Waxa   aynu Dhawri Waxa Kasoobaxa    Wadahadalka Faysal  iyo Garabka Xisbi Doonka   ah   iyo Halka  ay Faysal Cali Waraabe  iyo Jamaal  Cali Xuseen Iskala Dhacaan

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News