Saxilnews.com
WAR CAD: Philippe Coutinho Oo Iska Diiday In Uu Ku Biiro Man United & Liverpool Oo Sabab U Ah.
June 17, 2019 - Written by editor

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa isaga tagi doona Kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan laakiin iska diiday in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha ixtiraam uu u hayo kooxdiisii hore ee Liverpool sida laga soo xigtay Sky Sport.

Man United ayaa la socotay xaalada Philippe Coutinho tan ilaa markii uu ka tagay Liverpool xilli la fahamsan yahay in ay Barcelona si aad ah hoos ugu dhigtay qiimihii ay kagala soo wareegtay kooxda Liverpool suuqii January ee 2018.

Laakiin Sky Sport ayaa sheegaya in uu xiddigu haatan wadahadalo kula jiro kooxda PSG si uu Neymar ugula midoobo kooxda ka dhisan caasimada France.

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu ku soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Man United ayaa doonaysa in ay xiddiga dib ugu soo celiso Premier League xagaagan laakiin xiddiga ayaa ixtirmaa uu u qabo kooxdiisii hore ee Liverpool dartiis u diidi doona in uu xidho maaliyada kooxda ay Reds sida weyn u xafiiltamaan.

Coutinho ayaa haatan ku sugan Copa America oo uu wacdaro la dhigay xulka qarankiisa kulankii ugu horeeyay ee tartanka markaas oo uu dhaliyay 2 gool una guulaystay xiddiga ugu fiican kulanka.

COMMENTS
Latest News