Saxilnews.com
Wafti Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dalka Itoobiya Oo La Filayo Inay Yimaadaan Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkooda
September 9, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa(Saxilnews) Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda wararka Saxilnews kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in badhtamaha todobaadka danbe la filayo inay dalka Somaliland yimaadan wasiiro ka socda dawlada Itoobiya.

Wasiiradan ka socda itoobiya ee loo qorsheeyey inay yimaadan dalka Somaliland ayaa la sheegay inay yihiin 4 wasiir,waxaana sida naloo sheegay hogaaminaya wasiirka arimaha dibada dalka itoobiya.

Waftigan wasiirada ah ee ka socday dawlada itoobiya ayaa la sheegay inay ujeedada socdaalkooda tahay sidii ay Somaliland iyo dawlda itoobiya uga wada hadli lahaayeen heshiiska dekeda berbera ee ay xukuumadda Somaliland lasoo saxeexatay shirkada Dp World iyo waliba sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka gancsi ee labada dhinac oo kamid ahaa qodobo ay dhawaan kala saxeexdeen horumarintooda labadan dawlood.

Waftigan wasiirada ah ayaa la filaya inay booqasho ku tagaan dekeda magaalada berbera.

COMMENTS
Latest News