Saxilnews.com
WAFTI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYE CIRRO OO SAFAR UGU BAXAY GOBALLADA GALBEEDKA SOMALILAND
January 21, 2018 - Written by editor

Boorama:-(saxilnews.com) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cbadilaahi Cirro iyo wafti u hoggaaminaayo ayaa maanta duhurkii waxaa ay safar ugu baxeen gobalada galbeedka Somaliland gaar ahaan gobalka Awdal.

Guddoomiye Cirro ayaa waxaa waftigan ka mid ah musharixiisii madaxweyne ku xigeen Ampassador Maxamed Cali Aw Cabdi iyo ma’suulyiin kale.
Ujeedka Safarka Guddoomiye Cirro ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu soo mahad-celin lahaa taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobaladaasi isla markaana codkooda siiyey xisbiga wakhtigii tartanka doorashada Madaxtooyadda.

Murashax Cirro ayaa goob fagaare ah kala hadlaaya shacabka degmada Dila, ayaa si weyn uga mahad-celiyey guushii ay ka soo hooyeen doorashadii 13ka November.
Dadka deegaanku na waxa ay muujiyeen sida ay weli ugu heelan yihiin Xisbiga WADDANI.
Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa la filayaa marka uu soo dhameeyo safarkiisa gobalada galbeedka in safar la mid ah ugu bixi doono gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Sool kaas oo uu taageerayaasha xisbiga WADDANI dhanbaal mahad naq ah gaadhsiin doono

COMMENTS
Latest News