Saxilnews.com
Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhagax Dhigay Wajigii Labaad Ee Dayactirka Iyo Balaadhinta Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.
August 7, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Dhagax Dhigay Wajigii Labaad Ee Dayactirka Iyo Balaadhinta Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.

07-08-2017 Berbera “Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Iyo Wasiirka Ganacsiga Ayaa Si Wada Jira Udhagax Dhigay Wajigii Labaad Ee Dayactirka Iyo Balaadhinta Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Haamaha Keydka Shidaalka Berbera Ayaa Dayactir Balaadhan Lagu Sameeyey Iyadoo Maanta La Bilaabay Wajigii Labaad Ee Dayactirka Haamaha Shidaalka Berbera.

Ugu Horeyn Maxamuud Gahayr Maareeyaha Haamaha Shidaalka Ayaa Ka Warbixiyey In Imika Wixii Ka Danbeeyey Isku Filnaasho Laga Gaadhayo Dhinaca Haamaha Oo Aynu Yeelanayo Qaad Shidaal Oo Inagu Filan, Mar La Dhameeyana La Arki Doonin Shidaal Meel Lagu Shubo La Waayey.

Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Cumar Shuceyb Maxamed Ayaa Hanbalyey Maamulka Haamaha Shidaalka Iyo Company-ga Maamula, Waxaanu Soo Dhaweeyey Dayactirkan Lagu Sameynayo Qaar Cusubna Lagu Soi Kordhinayo.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Soo Dhaweyey Korodhkan Lagu Sameynayo Haamaha Iyo Dayactirkan Kuwii Hore Qaar Kamida, Wuxuu Tilmaamay In Wiig Kahor Ahayd Markii Kuwii La Dayactirey Xadhiga Laga Jaray Maanta Degdeg Wajigii Labaad Loo Bilaabay.

Wasiirka Ayaa Sheegay In Shan Haamaha Kamida Ladayctiri Doono Halka Saddex Kamidna Inta Meesha Laga Saara Qaar Cusub Lagu Soo Badali Doono, Wuxuu Bogaadiyey Maamulka Haamaha Shidaalka Waxqabdka Muuqda Ee Ay La Yimaadeen.

Ugu Danbeyn Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga, Iyo Maamulka Hamaha Shidaalka Ayaa Si Wada Jira Heshiis Ula Saxeexday Shirkadda Ku Guuleystay Inay Mashruucan Fuliso.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Af-hayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

COMMENTS
Latest News