Saxilnews.com
Wafti Ka Socda Kooxda Khaatumo Oo Xalay Kasoo Guureeyey Buuhoodle Saakana Kusoo Jeeda Hargeysa+Cidda Waftigan Hogaaminaysa Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay
June 9, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Saxilnews)Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xalay magaalada Buuhoodle ay kasoo guureeyeen wafti tiro badan oo ka socda Kooxda Khaatumo.Waftigan Khaatumo xalay kasoo guureeyey ayaa waxay kusoo jeedaan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland sida ay Ramaasnews u sheegeen ilo wareedyo safarka waftigan u dhuun daloolay.

Waxaana waftigan ka socda Kooxda Khaatumo hogaaminaya gudoomiyaha baarlamaanka Kooxda khaatumo  Maxamuud Sheekh Cumar,waxaana qayb ka ah wasiro iyo xildhibaano ka tirsan kooxdaasi Khaatumo,waxaana ay xalay kasoo guureyeen sida naloo sheegay magaalada Buuhoodle.

Ujeedada safarka waftigan ayaa xoguhu noo iftiimiyeen inuu salka ku hayo sidii ay uga qayb gali lahaayeen isla markaana Hargeysa ay labada guddi ee ka kala Socda dawlada Somaliland iyo Kooxda khaatumo uga abaabuli lahaayeen furitaanka wajiga Afaraad ee wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo oo la filayo in inta lagu guda jiro bishan uu ka furmo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Xogahan Ramaasnews soo gaadhaya ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in waftigan ay saaka hiirtii soo galeen magaalada Hargeysa isla markaana ay ku sugan yihiin Huteel Maansoor ee magaalada hargeysa oo ay dagan yihiin.

Ujeedada safarkan waftigan ayaa kusoo  beegmaysa wakhti uu dhawrkii maalmood ee u danbeeyeyba uu magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu ku sugnaa horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Waxii warar ee soo kordha kala soco oo Isha ku hay shabakada Ramaasnews

1

COMMENTS
Latest News