Saxilnews.com
Wadooyinka Magaalada Hargeysa Laga Dhiso Oo Noqday Kuwo Shaxaad Galay Iyo Kuwo Istaagey Dhisme Ahaan Xirsi Ka Dib.
March 3, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):- Wadooyinka laga dhisaayo magaalada Hargeysa ayaa noqday kuwo shaxaadgalay ,iyada oo dawlada Hoose noqotay mid aan dhisin wadooyin tayo leh gudaha magaalada Hargeysa.

Wadada ka timaada madaarka ee ay dhowaan bilawday dawlada Hoose ee Hargeysa dhismaheeda ayaa noqotay ta ugu weyn ee kala shaxaadka ugu badani ka dhacay, iyada oo laga dhigay mid daamurku ku yar yahay , sidoo kalena noqotay mid aad u dhuuban oo aan gaadhsiisnayn meelihii ay hore u gaadhsiisnayd.

 

Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa noqotay mid ka seexatay la socoshada arrimaha dhismaha wadooyinka , madaama oo ay iyada hoos yimaadaan Hay’adda Wadooyinka oo waqtigan iyadu ah mid awood daran .

Wadooyin badan oo kale ayaa noqday kuwo istaagay , halka kuwo kalena samayntooda ugu badani noqotay mid kar kar lagu sameeyo ama la buux buuxiyo.

Tan iyo intii uu is casilay wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan , sidoo kalena hay’adda wadooyinka laga hoos saaray wasaaraddii madaxtooyada waxa wadooyinka dalka ku yimid hoos u dhac weyn, iyada oo noqotay arrintoodu mid istaagtey, kuwo la kala shaxaaday iyo kuwo dhismahoodu noqday kuwo la kar karo halkii laga dhisi lahaa.

Waxaana arrintani timid kadib markii wasiirka Hawlaha Guud ku jeestay arrimaha Siyaasadda ee xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale shirinta beelaha kala duwan ee ku midaysan Beesha uu kasoo jeedo madaxweyne Siilaanyo , kuwaas oo ay ku hirdamayaan taageeradooda Wasiir Cali Mareexaan iyo Wasiir Xirsi oo hadda kamid ah xisbiga WADDANI.

Sababta labaad ayaa noqotay dawlada Hoose ee Hargeysa oo noqotay iyaduna meel aan ilaa hadda haysan cid la xisaabtanta, marka laga reebo in loo fasaxo inay hantida ummada siday doonaan ugu takri falaan.

Somaliland ayaan 25 sanno ee ay xoriyadda lasoo noqotay ahayd mid aanu ka jirin la xisaabtan dhanka masuuliyiinta ah, iyada oo mid waliba arrinkiisu noqday ka shaqayso

COMMENTS
Latest News