Saxilnews.com
WADDADA TAREENADA OO CASRI AH ISKUNA XIDHI DOONTA ETHIOPIA IYO DEKEDA DJIBOUTI OO DHAWAAN LA FURAYO + MUUQAAL.
September 16, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Jabuuti (Saxilnews:- Dawladda Ethiopia ayaa rajaynaysa in ay furto waddo tareeneed casri ah oo isku xidhaysa caasimada Addis Ababa iyo dekada Jabuuti bisha October 2016. Mashruucan waa qorshe lagu abuuraayo shirkado wax-soo-saar oo Itobiya doonayso in ay kor ugu qaado ganacsigeed.

 

Waddadan tareenka oo 800 kilometres ah waxa dhishay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha (China Railway Corporation), waxaana ku baxay qiimo dhan $3.5 bilyan.

Waxa waddada isticmaali doona rakaabka laba dal isaga gudbaaya iyo waliba ganacsatada alaabta wadata si u xooggayso xidhiidhka ganacsi ee Jabuuti iyo Itoobiya.

Waddo tareenkan ayaa ah waddadii ugu casrisanayd ee Geeska Afrika waligeed laga dhiso, iyadoo tareenada loogu talagalay in ay isaga gudbaana ay yihiin kuwo aad u casri ah oo nooca dheereeya ah.

“Gaadiidka tareenka waxa uu asal ahaan beddeli doonaa dhibaatada naga haysata dhinaca safarka, waxa ay muhiim u tahay ganacsiga. Waxa ay u tahay ciyaar beddel cusub ganacsiga dalkan, waayo waxaannu doonayna in aannu noqono kuwo ku wanaagsanada dhinaca waqti ganacsiyeedka iyo qiimaha. Waxa aannu doonayna in aannu la tartanno suuq ganacsiyeedka caalamiga ah,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr. Workineh Gebeyehu.

Geesta kale, Jabuuti ayaa soo dhawaysay waddadan cusub ee isku xidhi doonta labada dal oo noqon doonta waddo ganacsiyeed dunida oo dhan la tartami karta.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News