Saxilnews.com
Waa Maxay Sababta Ay Barcelona Ugu Faraxsantahay In Ay Real Madrid La Soo Saxiixato Paul Pogba Xagaagan? Iyaga Ayaa Faa,iido Ku Qaba
June 17, 2019 - Written by editor

Kooxda Barcelona ayaa si weyn u doonaysa waliba ku faraxsan in uu xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ku biiro kooxda Real Madrid xagaagan

Kooxda Barcelona ayaa isha ku haysa in ay iska iibiso xiddig muhiim ka ah kooxda waliba sida ugu Dhakhsaha badan iyada oo mid ka mid ah xiddigaha ay doonayso in ay iibso xagaagan ka mid yahay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa si fiican looga jecelyahay Premier League kooxda Man United ayaana ah kooxdii ugu horaysay ee Xiiso Dhab ah u muujisay adeegiisa.

Si kasta ha ahaatee inta uuna dhicin heshiis kasta oo ay ku doonayso Philippe Coutinho waa in ay marka hore iska iibiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Paul Pogba.

“Kadib xilli ciyaareedkan iyo wax walba oo dhacay, marka loo eego in aan soo qaatay xilli ciyaareedkaygii ugu fiicnaa waxa laga yaabaa in ay fiicantahay in aan tartan cusub raadsado xagaagan”ayaa ah hadalka ay Barcelona sida weyn ugu faraxday ee ka soo yeedhay xiddiga reer Portugal.

Barcelona ayaa og in ayna Man United u dhaqaaqi karin saxiixa Philippe Coutinho maadama lacag weyn lagu iibinayo laakiin marka loo eego in ay Paul Pogba ku iibiso lacag ka badan 100 milyan oo euro way kaga filantahay in ay kula soo wareegto Philippe Coutinho.

Philippe Coutinho ayaa sii wada in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo xulka qarankiisa taas oo kor u qaadaysa qiimihiisa suuqa kala iibsiga kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay Bolivia kulankii uu xulka Brazil guusha 3/0 ah ku bilowday tartanka Copa America.

COMMENTS
Latest News