Saxilnews.com
WAA KUMA MAAYARKA DEGMADA GABILEY EE UU CAAWA MADAXWEYNE SIILAANYO XILKA WASIIRKA WASAARADA WARSHADAHA U MAGACAABAY ?
March 15, 2015 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa Maayarkii Gabiley u magacaabay jagada Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse wakhitgan maayarka rasmiga ah ee Degmada Gabiley oo uu hore iskaga casilay Wasiirkii hore ee Warshadaha Abiib Tima-cad, isla markaana Maayarka Gabiley ayaa waxa waqti dheer muran iyo khilaaf hadheeyay Golihii Gabiley oo in badan dalbay in xukuumaddu ay faraha kala baxdo Golohooda, kadib markii  ay ku eeddeeyeen maayarka inuu fadhiid ka dhigay Golohoodii iyo madmadow dhul iyo hanti ay sheegeen inay garanayn meel  ku dabaysay, una tirinayaan Maayirka iyo Xildhibaano La Socda oo taageersan haynta xilkiisa .

Sidoo kale, Khilaafkan ka dhex-taagnaa Wakhtiyadii hore qaar ka mid ahaa mudanayaasha Golaha deegaanka Gabiley iyo garabka uu hogaamiyo Maayarka Gabiley ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland cali Waran-cadde ku eeddeeyay inuu garabsiinayo maayarka iyo kooxdiisa oo tiro-yar ku sheegeen, laakiin wareegto uu soo saaray Wasiirka arrimaha gudaha oo ku aadanayd khilaafka ka dhex-taagnaa Golaha Deegaanka Gabiley ayaa damisay murankii cakirnaa, kadib wuxuu amar ku bixiyey innaan la ogolayn in Golaha deegaanku yeesho fadhi ay maayirka xilka kaga qaadayaan, taasoo meesha ka saartay in Golahaasi si toos ah u gutaan waajibaadkoodii shaqo .

Hase yeeshee Maayir Shucayb ayaa la ogayn inuu aq-balaayo xilka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo caawa u magacaabay iyo inuu haysanayo xilkiisa  Duqa Degmada Gabiley oo khilaaf hala-keeyay muddooyinkii danbe, laguna eeddeeyay fadhiidniomo Golahaas soo food saaray, balse talaabada hortaala Maayarka Gabiley ayaa dadka falaqeeya arrimaha siyaasada waxay  aamisan yihiin inuu isagu xilka ka hor sii ogolaaday inta Madaxweynuhu magacaabin, halka qaar kalena aamisan yihiin innaanay jirin cid kala tashatay Maayir Shucayb xilka cusub ee Wasiirka Warshadaha, ayna hortaalo laba mid uun dooro oo kala ah inuu iska csasilo Xilka Maayirnimo oo uu qabta Xilka loo magacaabay ama inuu diido xilkaasi .

Si-kastaba ahaatee xilkan uu iska casilay Wasiirkii hore ee  Warshada Abiid Timacad oo ka cadhooday xilkii loo dhiibay Wasiir Samaale oo uu la duday,isla markaana caawa Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Maayarkii Gabiley waxa la eegayaa maalmaha fooda inagu soo haya go’aanka uu qaato Maayarka Gabiley ee ku aadan magacaabista xilka cusub , Isagoo Hore Xil Noocan Oo Wasiiru Dawle Loo Magacaabay Iyadoo 30 Cisho Uun Ka Hadhsantahay Doorashadii Hore Ee Xukuumadii Udub Isla MArkaana Uu Xilka HAyay Mudo 16 Cisho Ah Kadibna Inta Uu Heshiiis La Galay Kulmiye Iska Casilay Isaga Oo Aan Kolkaasi Masuuliyad Xileedkiisii La Wada Wareegin Oo Ay Dadweynaha Reer Gabileyna Ku Naanaysi Jireen (WASIIRKII INTA DIIRTA JIRAY) .

COMMENTS
Latest News