Saxilnews.com
Waa kee ciyaaryahanka ugu taageeraha badan barta Instagram-ka sanadka 2017? – Ma Messi mise CR7?
November 30, 2017 - Written by editor

Waxaa la shaaciyey xiddiga ugu taageeraha ama shacbiyadda badan barta Instagram sanadka 2017, marka  loo eego ciyaaraha nuucyadooda kala duwan.

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibka ugu shacbiyadda badan Instagram-ka 2017 marka loo fiiriyo ciyaaryaha nuucyadooda kala duwan.

Kabtanka Portugal ee CR7 ayaa sanadkan gudihiisa helay 30 milyan oo taageerayaal dhanka Instagram-ka, isagoo ah kan ugu shacbiyadda badan ciyaaraha.

Dhaliyaha kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isna ku jira kaalinta labaad kaasoo helay 21 milyan oo taageerayaal ama raacayaal ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Liiska xiddigaha ugu taageerayaasha badan Instagram sanadkan 2017:-

Cristiano Ronaldo (Gained 30m followers)

Lionel Messi (Gained 21m followers)

Neymar Jr (Gained 20m followers)

Conor McGregor (Gained 11m followers)

Gareth Bale (Gained 8m followers)

Paul Pogba (Gained 8m followers)

Paolo Dybala (Gained 8m followers)

Zlatan Ibrahimovic (Gained 7m followers)

LeBron James (Gained 6m followers)

James Rodriguez (Gained 5m followers)

COMMENTS
Latest News