Saxilnews.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Tababar Ugu Qabtay Suxufiinta G Saaxil
October 8, 2018 - Written by qaasim Mukhtar

Berbera. (Saxil.News.) Ururka suxufiyiinat somaliland ee solja oo maanta tababar u qabtay suxufiyiinta ka hawl gala gobolka saaxil , tababarka oo lagu qabtay hotel maansoor ee magaalada berbera ayaa waxa ka soo qayb galay badiba wariyaasha ka hawl gala magalada berbera

tababarka oo hal maalin ahaa ayaa ku saabsanaa xeerka anshaxa saxafada somaliland oo dhamaan lagu soo qabtay gobolada dalka somaliland , intii uu tababarkaasi socday ayaa laga dooday xeerkaasi anshaxaha saxafada

waxana tababarkaasi bixinayey gudoomiayaha ururka solja ee somaliland maxamuud cabdi xuuto iyo liibaan oo ka tirsan saarkiisha sare ee ururkaasi sida oo Kale waxa isaguna tababarkaasi qayb wayn ka gaystay Mukhtaar cabdiraxmaan maxamuud oo ah gudoomiyaha ururka solja ee gobolka saaxil

Q/W. Cabdirisaaq Qaasin

Berbera Somaliland

 

COMMENTS
Latest News