Saxilnews.com
Ururka saxaafada ee gobolka saaxil (Saaxil Media Development Organization) mar kale ku eedaynaynaa haayada creative ee qaabilsan bixinta mashuuraca wacyi galinta dorashooyinka jamhuriyada Somaliland
October 5, 2017 - Written by cali abdilaahi

Berbera(Saxilnews.com)-Ururka saxaafada ee  gobolka saaxil (Saaxil Media  Development Organization) mar kale ku eedaynaynaa haayada creative ee qaabilsan bixinta mashuuraca wacyi galinta dorashooyinka jamhuriyada Somaliland

Ururku wuxuu Haayada ku eedaynayaa wax ‘’ isdabamarin iyo inay mashaariciidi wacyi galinta dorashoyinka siisay ururo ay gacan saar la leeyihiin haayada Greative Isla markaasina ay daadafeeyeen ururadii wadaniga ahaa ee ka jiray degaanada ay dorashadu ka dhacayso

Iyagoo diiday inay ururadu si xor ah ugu tartamaan mashuuraca wacyi galinta dorashada oo  kooto loogu xidhay ururo gaar ah.

taasi oo lama filaan ku noqotay ururadii doonayay inay ka qaybtaan wacyi galinta dorashada ee gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland

ururka saxafaayiinka gobolka saaxil ee magiciisa loo soo gaabiyo (SMDO) uu mar kale ugu baaqayaa komishinka qaranka somaliland inay soo farogeliyaan arintan cakiran ee ka dhexaysa ururada ka jira gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo haayada Greative ee qaabilsan bixinta mashruucaasi oo haatan xaalada ugu adagi ka dhex taagan tahay ururka saxafiyiinta gobolka saaxil iyo haayadaasi ,waxaanu ururkaasi uu komishinka qaranka ku adakaynayaa inaan dhayalsan arintaasi madaama ay iyagu masuul ka yihiin guud ahaanba hawlaha loogu diyaar garoobayo doorashooyinka Somaliland ee anigu soo fool leh islamarkaasi ay door ku leeyihiin dhaqdhaaq kasta oo la xidhiidha hawl socodsiinta doorashooyinka

 

 

Gabogabo

 

Waxaanu la socod siinaynaa komishanka doorashooyinka hadii haayada creative ku sii adkaysto mawqifkedii hore inay Adkaan doonto wada shaqaynta hawlaha dorashooyinka ee saaxafada iyo komishanka Somaliland

COMMENTS
Latest News