Saxilnews.com
Ururka Daacish Oo La Wareegay Deegano Ka Tirsan Maamulka Puntland
April 18, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

 

Qandala (Saxilnews):- Wararka ka imanaya degmada Qandala ee gobolka Bari ee mamulka Puntlandayaa sheegaya in koox ka tirsan ururka Daacish ay la wareegeen deegaanka Saan oo ka tirsan degmada Qandala.

Image result for Daacish Somaliya

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in kooxdan taageersn Daacish ay degaankaas kula wareegeen dagaal la’aan, kadib markii ay ciidamada Puntland halkaas isaga baxeen.

 

Maamulka Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin la wareegista kooxda taageersan Daacish ee deegaanka Saan.

Dhamaadka Sanadkii la soo dhaafay ayay dagaalyahano taageersan Daacish waxa ay la wareegeen degmada Qandala ee gobolka Bari, hase yeeshee labo bilood kadib waxaa kala wareegay ciidamada Puntland.

Dagaalyahano hore ugaga mid ahaa ururka ALshbaab ayaa sheegtay inay ku biireen ururka Daacish ayna ka baxeen ururka Alshabaab.

COMMENTS
Latest News