Saxilnews.com
WAR DEG DEG AH URUR AY KU MIDAYSANYIHIIN SHAQAALAHA KALA DUWAN EE DEKEDA MAGALADA BERBERA AYAA LA FILAYAA IN LAGU DHAWAAQO MAALMAHA FODA INAGU SOO HAYA
August 9, 2017 - Written by cabdirashiid Mubarik

berbera( saxilnews) Urur ay ku midaysanyihiin shaqaalaha kala duwan ee dekeda magaalada berbera ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ayaamaha fooda inagu soo haya

Ururka kala duwan ee dekeda berbera ku midaysanyhiin oo maalmihii u dambeeyey hadal hayntiisa laysla dhex maraayey ,ayaa la filayaa in maalmaha fooda inagu soo haya lagu dhawaaqo .

Ururkan ayaa la odhan karaa waxa uu ku soo kordhinkaraa shaqaalaha , ka fiirsashada ,iyo naqiishada shuruucda shirkada DPW ay la galayaan iyagoo kaashanaya garyaqaano sidoo kale waxay daba-gal ku samaynaysaa balanqaadyada ay shirkada DPW u qaado shaqalaheeda ,

Hadaan soo qaadano mushaharka ay shirkada DPW bixiso ee siiso shaqalaha oo ay u bixiso hab ka dhigan , halku dhig la odhanayo cirka eeg oo dhulka eeg ama aan ahayn mid fadhiya oo nidaam sharciyeysan lagu bixiyo isla markaana ay ku xisaabtami karo bilkasta amuurtan ayaa jahwareer ku riday  shaqaalaha  waana ta dhalisay  shaqalaha u muqato baahida shaqaluhu u qabaan ururkan isla markaana aaminaan inay talaabadani tahay miday kaga bixi karaan khatar kasta oo ka soo waajihi karta dhanka shirkada DPW

Waxa aad arkaysaa ama aad ku maqlaysaa goobaha ay bulshadu ku kulanto hadal haynta iyo hanqal taaga ururka shaqaalaha dekedu ku hawlanyihiinn maalmahii la soo dhaafay.

Hadaba su,aasha is waydiinta mudan ayaa waxa ay tahay ururkani ma noqon doonaa mid u dooda xuquuqda shaqaalaha isagoo dheeganaya shurucda caalamiga ?

Haday jawaabtu tahay haa ma noqon karaa miday soo dhawayso shirkada  DPW ?

 

 

CABDIRASHIID MUBAARIK ( SUUL)

0634281151

 

COMMENTS
Latest News