Saxilnews.com
UGAAS CABDIRISAAQ KOSAAR OO SHEEGAY IN AY XUS U SAMAYN DOONAAN MUJAAHIDIINTII SNM
March 6, 2018 - Written by editor

Hargeysa (saxilnews.com) Ugaas Cadbirisaaq Kosaar Cali Oo Ka mida madaxdhaqmeedka Somaliland ayaa sheegay in uu xus balaadhan u qaban doono mujaahidiintii Somaliland ee ku naf waayay dib u xorayntii dalka .

Ugaas cabdirisaaq waxa uu si gaara u xusay in xuskaasi ay u qaban donaan mujaahidintii ka soo jeeday Deegaanka Alley-baday .

Ugaaska Oo Qoraal kooban oo uu kaga hadlayo arintani Soo Gaadhay Xafiiska War-qabadka Ee HadhwanaagNes Ayaa Waxa uu u Dhignaa Sidan “ Aniga oo ah Ugaas Cadbirisaaq Korsaar Waxaan Qabanayaa xus aan u samayn doono mujaahidiintii SNM Ee ku naf waayay dib u xorayntii dalka khaasatan mujaahidiintii ka soo jeeday Deegaanka Alley-Baday, dhamaan cidii ka soo qayab galasana waanu soo dhawaynaynaa.

Ujeedada arintan ayaa ah mid aanu ku xusayno isla markaana aanu ugu ducaynayno mujaahidiintaasi abaalka weyn ku leh dalkeena maana aha mid aanu wax kaga doonayno cid gaara, waxaana aan farayaa Bulshada aan ugaaska u ahay in ay ula socdaan sidaasi .

COMMENTS
Latest News