Saxilnews.com
Turkiga Oo Maanta Diyaarad Gargaar Siday Ka Dajiyey Moqdisho Iyo Noocyada Ay Ka Kooban Tahay Caawimadaasi
March 25, 2017 - Written by suxufi

Moqdisho (Saxilnews):- Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejisaydiyaarad sidey hal tan oo raashiin nafaqeysan ah oo loogu talagay dadka ay abaaruhu ku saameyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan caruurta nafaqo darrada la ildaran.

 

Gargaarka rashiinka ah ayeey madaxda hay’addu maanta ku wareejiyeen guddiga gurmadka qaran ee abaaraha Soomaaliya si uu ugu qeybiyo dadka tabaaleysan ee u baahan gargaarka.

 

Dadka ay abaartu ku dhufatay ayaa qaar badan oo ka mid ah waxa ay la il daran yihiin xanuuno ka dhashay abaarta, kuwaaso ay qaarkood u dhimanayaan xanuunadaasi.

Turkiga waa mid ka mid ah dalalka sida weyn u caawiya, Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyey ay saameyn xooggan ay ku lahaayeen.

COMMENTS
Latest News