Saxilnews.com
Turkiga Oo Laga Baroordiiqayo + Sababta 
January 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Turkey (SaxilNews):- Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya ninkii ka dambeeyey

toogashadii dalkaasi ka dhacday.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay 39 qof waxaana lagu dhaawacay dad gaadhaya ilaa 45 qof.

Dadkan la laayay ayaa ku jiray goob club ah oo lagu caweeyo habeenkii sanadkan cusub uu bilnayay.

Dadka weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mid ah dad wadamada carabta u dhashay.

Magaaladda istabuul ee caasimada dalkaasi Turkiga waxaa lagu qabtay baroordiiq iyo aas dadkaasi loo samaynayay.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi ayaa weerarkaasi cambaareeyey waxuu sheegay in argagaxisadu ay wadan walba joogto.

Dalka Turkiga ayaa waxa uu la kulmayay weeraro kaga imanayay kooxda PKK.

Waloow weerarkabe aysan cidna sheegan.

COMMENTS
Latest News