Saxilnews.com
Turkiga Oo Ku Dhawaaqey Ciidamo Dheeraad Ah Oo Uu U Diraayo Dalka Qadar +Sababta
June 8, 2017 - Written by suxufi

Ankara (Saxilnews):- Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay ciidamo dheeraad ah oo loo diro saldhigamilateri ee uu Turkiga ku leeyahay dalka Qatar, halkaasoo markii hore ay u joogeen 150 askari

Turkiga iyo Qatar ayaa sanadkii 2014 ku heshiiyay saldhig milateri oo uu Turkiga ka sameysto Qatar.

Ciidamada Turkiga ee la geynayo Qatar ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan dhoolatus milateri oo ay si wadajir u sameynayaan kuwa Qatar.

Qatar waxaa ku yaala saldhiga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin illaa 8-kun askari.

Go’aanka Baarlamaanka Turkiga ayaa ah mid taageero u muujinaya Qatar oo soo wajahday xaalad go’doon siyaasadeed iyo mid ganacsi, kaasoo kaga yimid dowladaha quwada leh ee Bariga Dhexe.

Turkiga waa saaxibka ugu weyn ee Qatar uu ku leeyahay caalamka, labada dal ayaa wadaaga xidhiido qoto dheer.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku dhaliilay wadamada carabta inay go’doomiyaan, cunaqabateyna saaraan dalka Qatar, waxaa uu intaa ku daray in Ankara ay isku dayeyso inta awoodeeda ah inay xaliso xiisada taagan.

COMMENTS
Latest News