Saxilnews.com
Tuducyo Kamid Ah Sheekadii Ay Ku Timi Maansadii Tiigsi: Meelo kooban ayaa kasoo qaatay Sheekada Ay Kutimi Lasoco Qaybo Kale
June 14, 2017 - Written by admin

Tuducyo Kamid Ah Sheekadii Ay Ku Timi Maansadii Tiigsi:
Meelo kooban ayaa kasoo qaatay Sheekada Ay Kutimi Lasoco Qaybo Kale

Berbera (Saxilnews.com)-Goor Aamin ay tahay gu, baldhiidhay oo dhulku doogu siman yahay xareeduna banaanada wadhan tahay roob la dhacduna dulun dulcaunayso caleemahabdhirtu ubax kala duwan ku hogoogan yahay oo ay balan baalis qalimo lehna ku dul ciyaarayso shimbiro midiba cayn tahayna laamaha sare ee damalada ka dul heesayaan xooluhuna dhargeen oo caf iyo caanaba leeyihiin beeshina nabad iyo barwaaqo ku nagidahay dhalinyaraduna ay jiibta iyo jaanta kala saarin ilaa waagu biirsado

Ayaa goor ay casar gaaban tahay jimicsi tegay beeraha iyo togga Hargaysa isagoo dul talaabsanaya tamuuxda iyo rayska ay tobanka iyo ka badan biyaha xareedu muluc yeeyeen

Temeshlaynta socodkii casar gaab ku tagayoon hadba taako dhererkeed xaragow talaabsaday

Damalada tintoodna laamuhu la tiiceen hoobaan aan la tirin karin iyo ilamaa tin iyo cidhib toban midab lihiiyo ubax lagu talaalo maanku uu ku taxan yahay neecowda taal iyo farxad iyo tumashada

Toban toban dhulkeena talan taali geedaha shimbiruhu ku taxan yihiin

Boodhari tabtiisi caashaqbaa itaabto eebaa uturuqdoo shishe ii tumaatiday tabta loo abuuriyo habka ay talaabada iyadoo taraarayn utartiibinaysay ishoo tabar yaraatiyo dhaayaha la taagani tiigsiga la raaceen

Xigasho
Buuga Uu qoray :
Abwaan Cabdikariim Aadan Siciid (Cadde)
Xogayaha Fullinta Dawlada Hoose Berbera

COMMENTS
Latest News