Saxilnews.com
Trump wiilkiisa oo weeraray duqa magaalada London
March 23, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

[Saxilnews.com]Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa weeraray duqa magaaalada London waxyar uun ka dib markii uu weerar argagixiso ka dhacay caasimadda UK kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux.

Donald Trump Jr ayaa Twitterka soo dhigay maqaal uu sanadkii hore qoray Sadiq Khan kaas oo uu ku sheegay in taxadarka iyo feejignaantu ay noqotay qayb ka mid ah nolosha caasimadaha caalamka.

“Waad ila kaftamaysaa?!” ayuu soo qoray wiilka Trump, arrintaas ayaana isla markiiba dhalisay in lagu eedeeyo in uu si xun u adeegsanayo masiibada dhacday uuna si xun u fasirayo hadalka duqa magaalada.

Dad badan ayay dhibaato ka soo gaartay weerarka magaalada London.

Qofka weerarka gaystay ayaa gaari jiirsiiyay dad lugaynayay buundada Westminster, ka dibna toori ayuu si xun u galiyay askari booliis ah oo isku dayay in uu ka hor istaago in uu galo aqalka baarlamaaanka, intaaas ka dibna isna toogasho ayaa lagu dilay.

Labo saac ka dib ayuu wiilka Trump twitterka soo dhigay maqaalka Khan ee uu daabacay wargeyska Independent bishii Sebtember ee sanadkii 2016kiiWeerarrada argagixiso waa qayb ka mid ah nolosha magaalo wayn, ayuu yiri duqa magaalada London Sadiq Khan.” Ayuu twiterrka sii raaciyay wiilka Trump

Waagaas Khan wuxuu hadalkaas jeediyay wax yar uun ka hor intii uusan la kulmin duqa magaaalada New York, Bill De Blasio, malintii ay saddexda qarax ka dhaceen magaalada New York City iyo magaalooyinka u dhaw kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 29 ruux.

Weeraradaas habeenno badan ayay hurdo la’aan igu rideen ayuu yiri Khan, isaga oo ka fikiraya halista soo wajahaysa magaalooyinka waawayn ee reer galbeedka sida New York iyo London.

Markii uu weerarkii Arbacadii dhacay ka dib duqa magaaladu wuxuu sheegay in argagixisadu aysan u cagojuglayn karin dadka reer London, dadkuna ay meel uga soo wada jeedaan kuwa doonaya in ay waxyeello u gaystaan.

Twitterka wiilka Trump waxaa ka carooday dad badan oo reer Britain ah kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Wes Streeting oo sheegay in ay wax laga xishoodo tahay in si xun loo adeegsado masiibada dhacday.

COMMENTS
Latest News