Saxilnews.com
Trump oo saameyn toos ah ku yeeshay qaxootiga Dhadhaab
January 24, 2018 - Written by editor
Xasan Nuur ayaa duullimaadka laga celiyay markii uu dhaqan galay go'aankii Trump
Image captionXasan Nuur ayaa duullimaadka laga celiyay markii uu dhaqan galay go’aankii Trump

Sanadkii uu madaxwayne Donald Trump xilka hayay, dad badan oo ku nool xerada qaxooti ee caalamka ugu wayn ayaa is waydiiyay in Mareykanka uu dhabarka u jeediyay amaba in uu hilmaamay iyo in kale.

Ku dhawaad rubac malyuun qof oo Soomaali ah ayaa ku jira xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya iyadoo gargaarka deeq bixiyayaasha uu sii yaraanayo.

Dwoladda Kenya ayaa doonaysa in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, wuxuuna maamulka madaxwayne Trump uu sidoo kale u muuqdaa mid aan soo dooneyn dadka qaxootiga ah eek a soo jeeda qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta.

Dadka uu saameeyay xannibaadda Trump

BBC ayaa booqatay qoys ku nool xerada qaxootiga ee Dhadhab, kaasi oo riyadiisii ahayd in uu Mareykanka ka helo dib u dejin waxaa burburiyay maamulka Trump.

Xasan Nuur, waa aabe dhalay 5 caruur, canuggiisa ugu wayn waa 7 jir, midka ugu yarna wuxuu jiraa ku dhowaad bil.

Xasan, waxay ahayd in uu xilligan joogo dalka Mareykanka, balse nasiib daro waxa uu wali ku sugan yahay xeryaha Dhadhaab oo 27 sano ee ugu dambeeyay uu ku noolaa.

Daawo: Sida uu Trump u niyad jebiyay qaar ka mid ah qaxootiga Dhadhaab

Xasan Nuur oo aan gurigiisa ku booqanay wuxuu ku fadhiyay derin uu salaadda subax ku tukaday, quraacda ka dibna wuxuu aadaa iskuul uu macallim ka yahay.

“Markii uu madaxwaynaha u dabaaldagay guushiisa, inagana waxaan u dabaaldagaynay in la aqbalay in Mareykanka aan aadno,” ayuu yiri Xasan oo ka hadlayay rajadiisii burburtay.

Dhadhaab waxay ka mid tahay xeryaha ugu waawayn dunida ee qaxooti ay ku nool yihiinLahaanshaha sawirka.
Image captionDhadhaab waxay ka mid tahay xeryaha ugu waawayn dunida ee qaxooti ay ku nool yihiin

“Waxaan bilaabay in dhammaan alaabtii guriga aan bixiyo sida maacuunta, dharkii iyo wax waliba,”

Wuxuu intaa ku daray: “Dadku waxa ay igu dhahayeen Mareykanka ayaad aadaysaa halkaas ayaad wax walba ka helaysaa, waan qaybiyay xitaa caagaggii biyaha, balse nasiib daro waxay nagu dheheen uma socotaan”, ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Nuur oo niyadjab uu ka muuqday.

Samirka iyo rajada Xasan Nuur

Muddo lix bilood sano ah ayuu Xasan buuxinayay dhamman waxyaabihii aasaasiga ahaa ee looga baahnaa wuxuuna u soo samray muddadaas si uu dib u dajin uga helo isaga iyo qoyskiisa dalka Mareykanka.

Ugu dambaynti waxay arrimihiisa oo dhan u dhamaadeen sanadkii aanu soo dhaafnay, wuxuuna qorshaynayay in isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisa u safraan dalka Mareykanka.

Balse xilligii uu bixi lkahaa waxa xilka madaxtinimada Mareykanka la wareegay madaxwayne Donald Trump.

Waxay ahayd xaalad si lama filaan ah isu bedeshay oo qalbiga ka dhaawacday dad badan.

Qaxootiga qaar waxay sameysteen ganacsiga waxayna noqdeen deegaan caadi ah
Image captionQaxootiga qaar waxay sameysteen ganacsiga waxayna noqdeen deegaan caadi ah

“Aad ayaan uga murugooday mana faraxsanayn, sababtoo ah xitaa caruurteyda waxay igu dhahaan ‘aabe ma Mareykanka ayaan aadaynaa?’ si aan ugu sharxo ma aqaan, ilaa hadda way i wydiinayaan ‘ma Mareykanka ayaan u soconaa?”.

Xasan Nuur ayaa BBC-da tusay warqadihii iyo dikumiintiyadii muhiimka ahaa ee uu ku maray geedi socodkii uu Mareykanka ku aadi lahaa.

Xasan iyo qoyskiisa ayaa noqday dadkii ugu horreeyay ee uu saameeyay xannibaaddii socdaalka Trump oo dalal Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay looga mamnuucay in Mareykanka ay galaan.

Waxay BBC-da weydiisay in weli uu qabo rajo ah in ugu dambeyn uu Mareykanka ka helo dib u dejin.

Wuxuu ku jawaabay: “Haa waan leeyahay rajadaas, waxaannahay qaxooti ay qacan siiyeen beesha caalamka, waxaana rajaynaynaa in Mareykanka ay na marti galin doonaan. Waxaan u taaganahay ayaa ah mustaqbalka caruurtan yaryarka ah, ma nihin dambiilayaal, ma nihin argagixiso”.

Dhadhaab malagu nagaan doonaa?

Balse Xasan wuxuu hadda wajahayaa xaqiiqada ah in caruurtiisa uu ku korsado xeraddii uu ku noolaa ku dhawaad 30 sano.

Xasan dhankiisa ma aaminsano in halkan ay tahay goobtii uu doonayay in uu caruurtiisa ku barbaariyo, wuxuuna rumaysnaa in uu Mareykanka aado halkaas oo ay waxbarasho iyo noolal wanaagsan ay ka heli lahaayeen.

Wuxuu sheegayaa in uusan dalkiisii hooyo ee Soomaaliya ku laaban Karin, una baqayo naftiisa iyo midda qoyskiisa.

Laba dumar ah oo sii socdaLahaanshaha sawirka.

Wuxuu u muuqdaa mid ku xanniban Dhadhaab, balse waxaa suuragal ah in iridaha xeryahan aysan sii furnaan.

Dhadhaab waxaa ka socda howlo badan sida ganacsiyo waawayn, waxaa sidoo kale jira Basas badan oo ka baxa islamarkana soo gala xeryaha Dhadhaab.

Waxay arrintaas muujineysaa in dad badan ay deegaan ka dhigteen xeryaha, ayna suuragal tahay in aysan melena u socon.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jiraan 1,000 qof oo qaxooti ah oo qaba baahiyo gaar ah una baahan in dib u dajin laga siiyo dal kale.

Dadkani waxaa ka mid kuwa ka badbaday jirdil, caruur iyo haween iyo dad u baahan daryeel caafimaad oo gaar ah. Balse ma jirto wax dib u dajin ah oo la gudbiyay tan iyo bartamihii sannadkii 2017.

Illaa daruufaha ay wax iska badalayaan, Xasan ayaa caruurtiisa ee uu jecelyahay sii korin doona iyaga oo aan lahayn dal gaar ah oo ay muwaadiniin ku yihiin.

COMMENTS
Latest News