Saxilnews.com
Trump oo ka hadlay rajada uu ka qabo guul laga gaaro wadahadalada K/Waqooyi
March 11, 2018 - Written by editor
Trump iyo Kim Jong-unLahaanshaha sawirkaAFP

Madaxwayne Donald Trump ayaa muujiyay khatarta ay yeelan karto kulanka fool ka fool ah ee lagu wado inay yeehsaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Mr Trump ayaa sheegay in wadahadalada ay guuldaraysan karaan ama la gaari doono heshiiska ugu wanaagsan caalamka.

Xilli uu khudbad ka jeedinayay Pennsylvania,ayuu Mr Trump waxa uu sheegay in si dhaqso ah uu wadahadalada uga bixi doono haddii aysan u muuqan in ay suuragal tahay in wax hormar ah la sameeyo.

Ilaa iyo imika ma jirto taariikh cayiman oo loo qabtay in uu dhaco kulanka lagu wado in uu dhexmaro madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un .

  1. Musuqmaasuq hareeyay Dalka Koonfur Kuuriya
  2. Shiinaha oo xadidaya ganacsiga Waqooyiga Kuuriya
  3. W/Kuuriya oo looga digay tijaabada gantaallada

Balse madaxwayne Trump ayaa horey u sheegay in cunaqabataynta saaran Kuuriya Waqooyi ay sii socon doonto.

Hogaamiyayaasha kala duwan ee caalamka ayaa iyagu soo dhaweeyay wadaxaajood dhexmara Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo dublamaasiyadeed, islamarkaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday

COMMENTS
Latest News