Saxilnews.com
Top News :- Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Oo Hada Sheegay In Madaxweyne Siilanyo Maxkamad La Soo Taagi Doono +Muuqaal 
January 16, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi waxaa uusheegay in madaxweyne Siilanyo maxkamada la soo taagi doono hadii uu doorashada qaban waayo 28 March oo ah wakhtigii ay maxkamada sare go,aamisey in doorashada la qabto

” Madaxweyne Siilanyo hadii uu doorashada qaban waayo 28 March maxkamada ayaa la geynayaa ” ayuu yidhi

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aaney xisbiyada qaranku wali xal rasmi ah ka gaadhin wax laga yeelaayo doorashooyinkii oo ku soo beegmey xili ay abaar xoogani dalka ka jirto .

 

Muj Muuse Biixi ayaa dhanka kale beeniyey hadal shalay ka soo yeedhay Eng Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID oo sheegayey in ay xisbiyadu ku heshiyeen muddo kordhin

Waxaa uu sidoo kale uu gudoomiyaha Kulmiye sheegay in aan doorashada wakhtigeedii la dhaafin karin oo ay go,aan maxkamadeed dul yaalo , waxaana uu Muuse Biixi uu yahay mid ku dhegan in doorashada la qabto xilli ay dalkii ka jiraan abaaro xoogan oo sameyn ku yeeshay guud ahaan Somaliland bari iyo Galbeedba

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News