Saxilnews.com
Tirada Dadka Somalida AH Ee Ku Dhintay Xajka Oo Wali Kor U Sii Socota Iyo Wararka Rasmiga Ah Ee Ka Imanaya Sucuudiga
September 25, 2015 - Written by admin

Makka (Saxilnews.com)-Tirada dadka somalida ah ee ku dhimatay Xajka ayaa ilaa haatan gaadhaysa tobodba qof sida uu VoA u sheegay Axmed Aadan Digaal oo ka mid ah dadka somalida ah ee ku sugan Xajka.

Waxa uu xaqiijiyey inay ilaa hada dhinteen todoba qof oo somaali ah kuwaas oo afar ka mid ahi ka yimaadeen dalka Kenya, halka sadex kalana ay ka yimaadeen dalka Somaliya, isaga oo sheegay in

dhimashada faraha badan ee ka dhacday gudashada waajibaadka Xajku ay keentay xujaajta oo isku cidhiidhyey wadooyinkii ay marayeen.

Waxa uu sheegay in tirada dadka somalida ah ee ku dhimatay xajku ay intaas ka badan karto inta hada la ogyahay, taas oo uu sheegay inay suura gal tahay inay soo baxaan dad kale oo dhintay, isaga oo tilmaamay inay ilaa hada socdaan dedaalo lagu doonayo in lagu ogaado tirada rasmiga ah ee ku dhimatay xajka.

Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News