Saxilnews.com
Taliyihii Hawl Galinta Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xilkii Laga Qaadey + Masuulka Lagu Bedelay
April 26, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa xilkii laga qaadey taliyihii hawl galinta ciidamada booliska Somaliland gashaanleSare Maxamed Ducaale oo xilkaasi hayey dhawrkii sanno ee ugu danbeeyey ka dib markii Cabdilaahi Fadal Iiman oo isagu xilkaas hayey uu noqdey taliyaha guud ee ciidamada Booliska .

Waxaana loo magacaabey in uu xilkaasi qabto Gashaanle Sare (Ganey ) oo hore uga soo shaqeeyey ciidamada sirdoonka Somaliland oo uu ka ahaa sarkaal .

 

Mr Ganey ayaa waxaa uu ciidamada sirdoonka ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Riyaale iyo xukuumadan madaxweyne Siilanyo balse wakhti xaadir kan waxaa la sheegay in aanu wax xil ah ka heynin ciidamada sirdoonka qaranka Somaliland

Waxaana wararka shabakada Ilaysnews.com soo gaadhayaa ay sheegaya in gaashanle Sare Ganey uu ka mid yahay shaqsiyaadka aadka ay isku dhaw yahiin wasiirka wasaarada madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi .

Sidoo kale waxaa isku bedel lagu sameeyey qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada Booliska ee gobalada qaar .

COMMENTS
Latest News