Saxilnews.com
Taliyahii Saldhiga Dhaxe Ee Hargeysa Oo Darajadiisa Ciidan La Dalacsiiyey Ka Dib Rasaas Ciidanka Boolisku Shalay Ku Rideen Sarkiil Ka Tirsan Xisbiga Waddani .
April 30, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa dalacsiiyey taliyahii saldhigadhaxe ee magaalada Hargeysa Saddex Xidigle Maxamed Ismaaciil(Maxamed Case) isla markaana laga dhigay Darajadiisa Ciidan Gaashaanle

Dalacstiintan Gaashaanle Maxamed Case oo habeenimaddii xalay afkiisa ka sheegay Afhayeenka ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis.

 

Waxaana dalacsiinta Gaashaanle Maxamed Case Ku soo beegmaysaa ka dib markii maalintii shalay aheyd ciidamada Boolisku ay rasaas u adeegsaday saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kuwaasi oo loo geystay xadhig iyo weli ba jidh dil aad u xooggan oo ay qaarkood weli jiifaac cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

COMMENTS
Latest News