Saxilnews.com
Taliyaha Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil Ayaa Xaqiijiyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Gacan Ku dhiiglihii Labada Qof Dilay ”
July 16, 2016 - Written by admin

Taliyaha degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil Kaptan Aamin Maxamed Cabdi Ayaa Saxilnews.com U xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen isaga iyo ciidan uu watay gacan ku dhiigle C/laahi Cali Dhaqato oo ahaa ninkii labada qof ku dilay degmada sheekh habeenkii xalay ahaa sidoo kalena dhaawacay afarta qof ee kale

Taliyaha ayaa waxa uu Sheegay inuu ciidanka dagaal xoogan kala horyimi Kasdib markii lagu baxay deeganka boholaha oo uu firdhaday markii dadka laayey  hase ahaate ay ciidanku dhaawac fudud ugaysteen kadib markii uu dhigi waayey hubkii uu dadka ku laayey

waxaa kale oo intaasi raaciyey inay ku hayaan saldhiga degamada sheekh balse ay usoo dhaadhicin doonan xarunta Berbera .

WWW.SAXILNEWS,COM

COMMENTS
Latest News